State Profile | System of Government | Ministries | Map of Puntland    
Front page
News
Events
Publications
Reports
Activities
Economy
Taxation
Feedback
News
dhamaan Madaxda, howlwadeenka iyo Shaqalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo habalyo udiraya Madaxweynaha Cusub iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland loo doortay
Monday, 12-01-2009

Madaxda,Howlwadeenka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxay habalyo udirayaan Madaxweynaha Cusub kuxigeenkiisa Puntland loo doortay Mudane Dr C/rixmaan Maxamed Maxamuud,
iyo Mudane Cabdisamad cali Shire,
dhamaan Howlwadeenka iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland waxay hablyo udirayaan Mudane Cabdiraxman Maxamed Maxamud oo kuguulaystay xilka Madaxweynaha Puntland,doorashadii madaxwaynenimoda Puntland taasoo ka dhacday shalay taariikhduna ahayd 8da January, uuna sidaa ku noqday Madaxwaynaha cusub ee Dawlad Goboleedka Puntland.

Musharrrixiintii ku tartamay jagadaa iyo sida doorashadu u dhacday waa sidan:

Wareegii ugu horeeyey natiijadii waxay noqotay:

Cadde Musse (Madaxweynahii hore) 8 cod
Cabdiraxmaan Faroole 25 cod
Cabdullahi Ilkojiir 14 cod
Cali Cabdi Awaare 3 cod
Aadan Ciise Gaadaale 4 cod
Nuuradiin Aadan Diiriye 8 cod
Saciid Maxamed Raage 4 cod
Prof.Cumar Farjac 0 cod

Wareega labaad waxaa isugu soo haray 4 musharax oo wareegaasi kala helay:

Cadde Musse (Madaxweynaha xilka Haya) 4 cod
Cabdiraxmaan Faroole 30 cod
Cabdullahi Ilkojiir 18 cod
Nuuradiin Aadan Diiriye 11 cod

Waxaa wareegii ugu danbeeyey isu soo haray

Musharaxiinta kala ah Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo Gen.Cabdullahi Ilkojiir

Waxaana loo doortey Madaxweyne Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo helay 49 cod Halka Mudane Cabdullaahi Axmed Ilkajiir helay 17 cod.





























Back to News
© 2007 Ministry of Finance Puntland State of Somalia                                     
                         | mof@puntlandgov.net