State Profile | System of Government | Ministries | Map of Puntland    


Front page
News
Events
Publications
Reports
Activities
Economy
Taxation
Feedback
News

Wasiirka Maaliyadda oo ay weheliyaan xubnno kamid ah Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta Baarlamaanka ugudbiyey Xiisaabxirkii Miisaaniyaddii 2008. waxaana uu wasiirku faafaahin kabaxshay sidii loo isdicmaalay Miisaaniyadoo sandkii hore.markaas kadibna Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadlay miisaaniyad sanadeedka ee xukuumadda Puntland, iyadoo xildhibaanada ay su'aalo ka weydiiyeen qaabkii loo maamulay miisaaniyada sanadeedkii 2007 -2008.

 

Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa uga jawaabayey su'aalaha kaga imaanayey Xildhibaanada. Wasiirka ayaa halkaasi sharaxaad dheer ka bixiyay qaabkii loo maamulay dakhligii xukuumadda Puntland u soo xarooday iyo kaalmooyinkii ay heleen, isagoo sheegay in dhaqaalaha ugu badan ay ku baxeen dhinaca amaanka, difaaca gobolada Puntland iyo ciidamada, wuxuuna tilmaamay in aysan jirin dhaqaale ay ka heleen dibada. Su'aalihii la weydiiyay Wasiirka oo u badnaa halka ay ku baxaan dhaqaalaha iyo mushaar la'aanta ciidamada Daraawiishta ayuu sheegay Wasiirka in ay jiraan mushaar la'aan balse wuxuu tilmaamay in dhaqaale fara badan ay ku baxeen ciidamada daraawiishta, iyo Difaaca wadanka isagoo sheegay in ay jiraan dhaqaale fara badan oo ku baxay ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland ee ku kala sugan gobolada dalka iyo ciidamo kale oo Federaalka ka tirsan kuwaasi oo uu sheegay in ay ku bixiyaan dhaqaale fara badan,

Wuxuuna tilmaamay in ciidamada Dowladda Federaalka ay ku sugan yihiin dhinaca Gelinsoor ee Gobolka Mudug. Xildhibaanada Baarlamaanka ee maanta ka soo qeybgalay kulankaasi ayaa su aalahoodu u badnaa la xisaabtanka Wasaaradda Maaliyada ee Puntland, iyadoo xubno ka tirsan Baarlamaanka ay Wasaaradda waydiiyeen arrimaha kusaabsan inay kordhisay Canshuurtii Dekadda Boosaaso , taasoo uu beeniyay wasiirku, wuxuuna sheegay in canshuurta markii hore ay aheyd 15 Cent isla markaana uu tilmaamay in qiimo dhimis uu ku sameeyay canshuurta dekadda oo haatan ah 13 Cent. Gabagabadii Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in dib beri la isugu soo laabto fadhiga Baarlamaanka, wuxuuna Xildhibaanada uu ka codsaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi in ay soo aqristaan qoraal Wasaaradda Maaliyada ay u soo gudbisay Xildhibaanada si beri go'aan looga gaaro. Warar La Xiriira

 

Back to News
© 2007 Ministry of Finance Puntland State of Somalia                                      Powered by Pitechso
                         | mof@puntlandgov.net